Deeq A. Posted October 27, 2019 Garowe (SMN) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Garoowe kusoo dhoweeyey wefdi balaaran oo uu hogaaminayo Ergeyga Gaar ka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, James Swan. Kulanka uu Madaxweynuhu la qaatay safiirka qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo weftigiisa ayaa waxaa qayb ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumadda iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Danjire Mr James Swan ayaa kulan ka kadib si wadajira ula hadlay warbaahinta. Deni ayaa tilmaamay in ay ka wada-hadleen safiirka arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga, waxaana uu uga mahadceliyey hay’addaha Qaramada Mudiibey shaqooyinka muhiim ka ah ee ay ka hayaan dalka, gaar ahaan Puntland oo uu xusay Madaxweynuhu in shaqooyinkaasi ay muddo dheer soo socden. Ergeyga Gaar ka ah ee Qaramada Midoobey Soomaaliya Mr James Swan ayaa dhankiisa bogadiyey horumarka balaadhan ee ay Puntland ka gaartay dhan walba. Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa xusay in Puntland diyaar u tahay ka qayb qaadashada geeddi socodka siyaasadda, Amni, iyo Dhaqaalaha dalka, heeganna mar-walba u tahay ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed. View the full article Share this post Link to post Share on other sites