Sign in to follow this  
Deeq A.

Dibadbax xoogan oo maalintii 2-aad ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Banaanbaxan oo ah mid ballaaran, islamarkaana galay maalintiisii labaad ayaa waxaa dhigaya darawallada ka shaqeeya gaadiidka dadweynaha ee magaalada Muqdisho.

Boqolaal ka mid ah gaadiidleyda ayaa isugu soo baxay qaar ka mid ah jidadka, islamarkaana  hakad galiyey dhaq dhaqaaqa waddooyin muhiim u ah shacabka.

Dibadbaxayaasha ayaa ka cabanaya waddooyinka xiran iyo sidoo kale lacago ay sheegeen in lagu soo rogay.

Qaar ka mid ah darawallada gaadiidleyda oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqay dowladda inay u furto waddooyinka, islamarkaana ay wax ka qabato cabashooda.

Inta badan jidadka Muqdisho ayaa u xiran sababo ammaan darteed, waxaana hakad galay isku socodka qeybo ka mid ah Caasimada oo uu ka jiro wax loo yaqaano Kala Wareeg.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this