Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin: Amniga Muqdisho oo laga dareemayo is-beddel wanaagsan iyo qorshe lagu furayo jidadka xiran oo socda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa is-beddel wanaagsan laga dareemayaa amniga caasimadda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho oo ay si joogto ah uga dhici jireen dilal qorsheysan iyo qaraxyo is-qarxin ah.

Inkastoo ay xiran yihiin inta badan jidadka Muqdisho, haddana dadka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa kuu sheegaya inay arrintaas ku jirto dantooda maadaama uu yaraaday dhiiggii badnaa ee ku daadan jiray magaalada.

Is-beddelada amniga ayaa sidoo kale horseeday inay aad u yaraadaan qaraxyadii waa weyn eel ala beegsan jiray xarumaha dowladda iyo hoteellada, kadib markii waddooyinka laga soo gala magaalada oo lasoo marsiin jiray baabuurta qaraxyada laga soo buuxiyey la dhigay ciidamo Boolis ah oo hoostago Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xassan.

Sidoo kale waxaa yaraaday dilalkii qorsheysnaa ee Magaalada dhexdeeda laga fulin jiray inkastoo ay mararka qaar dhacaan, haddana waxaa Magaalada lagu daadiyey ciidamo boolis dharcad ah kuwaas oo howlgalo qorsoodi ah ka sameeyo jidadka iyo xaafadaha Muqdisho.

Prof. Xasan Yacquub oo ah Barre jaamacadeed isla markaasna ku takhasusay arrimaha Amniga ayaa sheegay in jidadka xiran ee Muqdisho ay tahay wadada kaliya ee xilligaan la joogo lagu sugi karo Amniga Muqdisho loogana hortagi karo qaraxyada isqarxinta ah inta laga diyaarinayo qorshooyin kale oo arrintaas looga hortagayo

“Marka hore waxaa muhiim aheyd in la joojiyo dhigga maalin kasta daadanayey ee Shacabka Muqdisho, jidadka xiran inkastoo ay dhibaato yihiin haddana duruufta dalka ka jirto ayaa sidaas ah, Dowladana waxaa looga fadhiyaa inay sameyso qorshaha xigo ee looga gudbayo jidadka xiran” ayuu yiri Prof Xasan oo wareysi siiyey Caasimadda Online.

Shabakadda Caasimadda Online ayaa ogaatay in sidoo kale la sameeyey qorsho isku xiray dhammaan taliyaasha Saldhigyada Booliska Gobolka Banaadir kuwaas oo Maalin kasta warbixino usoo gudbiyo Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa socda qorshe uu taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xassan wado oo lagu doonayo in lagu furo jidadka xiran ee Muqdisho, waxayna illo wareedyo lagu kalsoonaan karo noo xaqiijiyeen inuu qorshahaas marayo meel gabgabo ah.

Marka uu qorshahaas fulo, Amniga Muqdisho ayaa waxaa laga sugi doonaa banaanka Magaalada, waxaana dib loo furi doonaa isku socodka gaadiidka ee gudaha Magaalada oo haddana xayiran taasoo dhibaato ku ah Shacabka iyo Ganacsiga Magaalada.

Ciidamada Booliska ee la dhigay jidadka Muqdisho ayaa hor istaagay gawaaridii qarxyada laga soo buuxin jiray oo ay Al-Shabaab soo gelin jireen Magaalada, waxayna kooxdaan dhawr jeer weerartay baraha la dhigay ciidamada si ay meesha u baneeyaan taasoo keentay inay khasaaro kala kulmaan kadib markii la laayey dhawr ka tirsan maleeshiyadii weerarka soo qaaday.

Al-Shabaab ayaa jidadka xiran ee Muqdisho u aragta inay dhibaato ku tahay qaraxyadii iyo dilalkii ay Magaalada ka fulin jireen, waxayna dhawr jeer ku hanjabeen inay soo weerari doonaan ciidamada joogo Koontaroolda gawaarida lagu baaro si ay arrintan u fashiliyaan balse weli taas uma suurtagelin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this