Deeq A. Posted October 27, 2019 War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay qarax kula eegteen deegaanka Ceel Saliini ee gobolka Shabeelaha Hoose. Qaraxa oo ahaa miino ayey Al-Shabaab sheegtay inay ku dishay illaa 2 askari oo ka tirsanaa ciidamada Milatariga Soomaaliya, kuna dhaawacday mid kale. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan qaraxaasi. Dhinaca kale wararka naga soo gaaraya Jubbada Hoose ayaa sheegaya in weerar madaafiic loo adeegsaday Al-Shabaab ay ku qaadeay deegaanka Baarsanguuni ee gobolkaasi. Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaasi ay la beegsatay saldhigyo ciidamada iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin halkaasi. Ma shaacin Al-Shabaab khasaaraha weerarkaasi, balse waxa ay sheegtay in madaafiicda qaarkood ay ku hoobteen saldhigyada ciidamada huwanta ay ku leeyihiin deegaankaasi. Inta badan Al-Shabaab oo ku xoogan Jubbada Hoose ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fulisa deegaanada gobolkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites