Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafdi ka socda QM oo soo gaaray Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka gaashaandhiga iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya ,ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay wafdi ay hoggaaminayso Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan caruurta iyo isku dhacyada hubaysan Virginia Gamba.

Mudane Xasan Cali Maxamed (Amardambe) Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo soo dhoweynta wafdigaasi ka dib la hadlay warbaahinta qaranka ayaa faah faahin ka bixyay ujeedka imaatinka wafdigan iyo waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Inta uu joogo wafdigan waxaa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan mas’uuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay kala hadli doonaan howlaha ay u yimaadeen Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this