Sign in to follow this  
Deeq A.

Dibad-baxyo Maalintii 2aad Ka Socda Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa maalintii 2-aad ay dibad-baxyo lagu dalbanayo jidadka in la furo iyo arrimo kale ay ka socdaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Gaadiidleyda gaar ahaa kuwa BL-ka ayaa ka cabanaya jidadka oo xiran, canshuur saa’id ahna laga qaado iyada oo maamulka gobolka ka codsaday in jidadka loo furo sida ugu dhaqsaha badan.

Saxmada ugu badan waxaa ay ka jirnay KM4 halka shalay ay ka dhigeen KM5 ilaa Buulo-xuubey, waxaana muuqa iney mar meel u guuraan.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Cumar Filish oo markii uu imaanayey balan ku qaaday inuu jidadka furo, 2 bil ayuu joogaa ilaa hadda far ma dhaqaajin.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this