Sign in to follow this  
Deeq A.

Fatahaadda Webiga Jubba oo Khasaare Geystay

Recommended Posts

Deeq A.   

Labadii todobaad ee ugu dambeysay waxaa soo fatahay webiga Jubba kaas oo mara deegaanno ka mid ah Gedo iyo Labada Jubba.

Fatahaadda darteed qoysas badan ayaa ka barakacay gurihii ay deganaayeen.  waxaana baa’abay dhamaan dalagyadii  ka baxayey beeraha waraabka ah ee deegaannadaasi.

Degmooyinka ugu daran ee fatahaaddu saameysay waxaa ka mid ah: Luuq, Buur-dhuubo iyo Baardheere oo Gedo ah iyo Jubbada dhexe oo Saakow, Bu’aale iyo Jilib laga dayrinayo halka Jubbada hoose ayaa dhibaatooyin ka jiraan Jammaame, Kamsuuma, Baarsanguuni iyo Goobweyn.

Ilaa hadda dowladda federaalka ah kama hadlin dhibaatada ka jirto deegaanadaas, waxaa ayna dadkaasi codsanayaan in laga soo gaaro.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this