Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Gaadiidleyda Muqdisho oo maalintii labaad dibadbax dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Darawallada gaadiidka dadweynaha ayaa saaka markale dhigay dibadbax looga soo horjeedo jidadka xiray ee magaalada Muqdisho.

Dibadbaxayaasha oo isugu soo baxay waddooyinka waa weyn, sida tan Makka Al-Mukarrama ayaa ka cabanaya jidadka laga xiray iyo lacago dheeraad ah oo ay sheegeen in lagu soo rogay.

Sidoo kale dibadbaxayaasha oo careysan ayaa hakad galiyey dhaq dhaqaaqa waddooyin muhiim u ah shacabka.

Gaadiidleyda ayaa dalbanaya in loo furo  dhammaan waddooyinka, si ay uga shaqeystaan gudaha magaalada Muqdisho.

Inta badan waddooyinka Caasimada ayaa sababa amni u xiran muddo dhowr bilood ah, taas oo culeys ku keentay nolosha shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Waa maalintii labaad oo xiriir ah oo darawallada gaadiidka BL-ka ay dhigayaan banaanbax, mana jirto weli jawaab laga bixiyey cabashadooda.

Banaanbax-1.jpg 72849692_437154863866088_591547631095984 74234782_10162343885470153_8537461499076 74914569_437154817199426_639568976673767

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this