Sign in to follow this  
Deeq A.

Ururka Xisbullah Oo Si Kulul Uga Hadlay Dibadbaxyada Ka Socda Lubnaan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Lubnaan)-Xoghayaha guud ee ururka Xisbullah Sh Xasan Nasrallah ayaa ka hadlay dibadbaxyada ka socda magaalada Beyruut oo uu sheegay inay dabada ay ka riixayaan dalal Ajnabi ah iyo xisbiyada Mucaaradka.

1572110023c032d.jpg

Mr Nasrallah ayaa wuxuu ugu baaqay dibadbaxayaasha in aan loo adeegsan hurinta dagaal Sokeeye oo markale madaxa la gasho Lubnaan.

Wuxuu ka gaabsaday in uu soo hadal qaado xisbiyada iyo wadamada maalgalinaya banaanbaxyada, balse wuxuu farta ku fiiqay safaarado fadhigoodu yahay magaalada Beyruut.

Sheekh Xasan Nasrullah ayaa ugu danbeyn dibadbaxayaasha uga digay in ayna aqbali doonin in la beegsado xarumaha ay ku sugan yihiin ciidanka Xisbullah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this