Sign in to follow this  
Deeq A.

Ilhaan Cumar Oo La Safatay Kurdiyiinta Ay Is-Hayaan Turkiga, Digniina U Dirtay Erdogan Iyo Trump

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Ilhan Cumar oo su’aalo adag weydiisay wakiilka Mareykanka u qaabilsan arrimaha Suuriya iyo ururka Daacish waxay tidhi: “Waa in aan joojino hubeynta iyo taageeridda maamulada aan naxariista lahayn, waana inaan eegno shuruucdeena dibadda ee meelaha anan u adeegsanayn nolosha iyo bini-aadamka dhibban”, ayey tidhi iyadoo ka hadleysay duullaanka Turkiga ee Suuriya.

ILHAN.jpg

Turkiga ayaa “si khasab ah” dib ugu celinaya qaxootiga Suuriya oo la geynayo xuduudda, si loo dejiyo “aagga nabadda ah” in kastoo dagaalka aanu weli dhammaan, sidaas waxaa qortay wakaaladda wararka Reuters oo sii xigatay hay’dda u doodad xuquuqda aadanaha ee Amnesty International.

Hay’adda kale ee xuquuqda u dooda ee Human Rights Watch waxay sidoo kale sheegtay in “mamulka uu si aan kala sooc lahayn u xidh-xidhayo una musaafurinayo tobannaan qof oo Suuriya u dhalatay kuwaas oo la geeyay Waqooyiga Suuriya, muddadii u dhexeysay January iyo September” ee sannadkan.

Laba toddobaad ka hor, Turkiga ayaa billaabay duullaan uu kaga gudbay xuduudda Suuriya si ay u sameeyaan “aag nabad ah” oo laga sifeeyay malleeshiyaadka Kurdiyiinta ee loo kala yaaano SDF iyo YPG.

Dowladda Turkiga ayaa malleshiyaadkaas u aragta in ay la mid yihiin ururo argagixiso. Waxay sheegtay in ay yihiin dhinacyo ka tirsan ururka Kurdiyiinta ee tobannaanka sano ka dagaallamaya dhanka Turkiga ee PKK.

Duullaanka wuxuu bilowday ka dib markii ciidammda Mareykanka oo Kurdiyiinta ay ku tiirsanaayeen, ay billaabeen in ay ka baxaan dhanka Xuduudda.

Turkiga wuxuu ku doodayaa in deegaannada ay qabtaan ay dejin doonaan 3.6 milyan oo qof oo ah Qaxooti u dhashay Suuriya ah kuwaas oo ka cararay dagaallada sokeeye.

Ilhaan Cumar waxay sheegtay : “Waa inaan xuquuqda iyo sharafta Kurdiyiinta aan aasaaska ka dhigno”.

“Su’asho waxay tahay in haddii Kurdiyiintu xaq u leeyihiin in ay jiraan iyagoo Kurdi ah. Waa inaan bartamaha dhigno xuquuqda iyo sharafta Bini-aadamnimada. Waa inaan sal uga dhigno xuquuqda iyo sharafta Kurdiyiinta”, ayey tiri Ilhaan oo ka hadleysay fadhiga guddiga arrimaha Dibadda u qaabilsan Congress-ka Mareykanka oo su’aalo weydiinayay safiirada.

Donald Trump ayaa dhowaan sheegay in labada dhinac la kala dhex dhigay xabad joojin. Balse Ilhaan ayaa ku doodeyso in “Turkiga uu sheegay in uu sii wadadayo howlgalka”.

“Waa inaan masuuliyadda qaadno. Taa micneheedu ma ahan hakinta akoono bangiyo; ma ahan xakameynta dhaqaalaha Turkiga, iyadoo sy sii socoto ciqaab wadareed loo geysanayo bulsho aan arrintan dooran”, ayey sheegtay Ilhaan.

“Wuxuu macnuhu yahay in si aan caadi ahayn looga fakaro cadaaladda xadgudubyadan. Waa in si dhab ah looga fakaro sidii aan u joojin lahayn hubeynta maamullada naxariista daran”.

Xildhibaannadan ka tirsan Congress-ka Mareykanka waxay xubin ka tahay guddiga arrimaha dibadda, waxayna si weyn u dhaliishay wada shaqeynta maamulka Trump uu la leeyahay xukuumadda Erdogan.

“Waa in aan aragti cad ka qaadano siyaasadaha dibadda ee halista gelinaya koox dhammeystiran oo dad ah oo si wayn loola dhaqmay sida shay la isticmaalay ka dibna la iska tuuray”, ayey weydiisay mid ka mid ah safiirrada Donald Trump ee arrimaha Bariga Dhexe.

Erdogan: Warqaddii Trump qashin-qubka ayaan ku daray
Ilhaan ayaa ka dib su’al kale weydiisay Wakiilka gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Suuriya iyo Isbeheysiga la dagaallamaya ISIS, James F. Jeffrey. “In Turkiga uu adeegsado hub kiimiko ah, maxay tahay masuuliyadda arrintas ka saaran Mareykanka?”

“Waan baadheynaa eedeynta la soo jeediyay ee ah isticmaalka kiimikada. Waana in aan eegno xaaladaha sababay”, ayuu yidhi Jeffrey.

Waxay sidoo kale weydiisay in uu galaangal ku lahaa warqaddii uu Trump u diray Erdogan ee “qashinka lagu dhex tuuray”.

James F. Jeffrey Wuxuu yiri: “Qeyb baan ka ahaan in warqadda la gaarsiiyo madaxweyne Erdogan. Madaxweynaha wuxuu la tashadaa xoghayihiisa guud, anagana isaga ayaan farriinta u marinaa, waana sida ay u shaqeyso, waana sida warqadda ay ku timid”.

“Ilhaan oo ka falcelisay hadalkaas waxay tidhi: “Waxaan jeclaan lahaa in adinkoo badan aad fikir toos ah ka dhiibataan warqaddaas. Waxayna ila tahay in ay sax tahay in warqaddaas lagu tilmaamo mid ceeb ku ahayd Mareykanka”.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this