Sign in to follow this  
Deeq A.

Waare oo magacaabay guddi la shaqeeya midkii KHAYRE

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Onlibne) – Madaxaweynaha HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa wareegto ku magacaabay guddiga gurmadka fatahaadaha ee maamulkaasi.

Guddigan oo ka kooban illaa 14 qof ayaa waxa au u badan yihiin xubnaha golaha wasiirada ee dowlad goboleedka HirShabelle, iyadoona guddoomiye looga dhigay wasiirka gargaarka maamulkaasi, Mudane Cabdi-Mahad Cabdullaahi (Qorgaab).

Sidoo kale waxaa xubnaha guddiga ka mid ah guddoomiyeyaasha maamullada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.

Guddigani cusub ayaa ka shaqeyn doono, sidii loogu gurman lahaa dadka shacabka ah ee uu saameeyey wabiga Shabelle oo ku fatahay deegaano ka tirsan HirShabelle.

Shalay ayey aheyd markii Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo ay garab taagan yihiin Madaxweynayaasha HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug uu ku dhawaaqay guddiga gurmad Qaran ee fatahaadaha, si dowladdu ay u qaadato kaalinteeda.

Waare.jpg

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this