Deeq A. Posted October 26, 2019 Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug, Mudane Cali Gacal Casir oo u warramay Shabelle ayaa ka horyimid kulan maanta qaar ka mid ah xildhibaanada maamulkaasi ay ku ansixiyeen guddiga uu dhowaan soo magacaabay, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Ugu horreyn guddoomiye Cali Gacal Casir ayaa sharci darro ku tilmaamay meel marinta guddigaasi. Sidoo kale wuxuu wareysigan guddoomiyuhu ku sheegay in madaxa xukuumadda Galmudug uusan shiri karin xildhibaanada, islamarkaana tallaabadii uu maanta qaaday ay ka hor imaaneyso Dastuurka u yalla maamulkaasi, sida uu hadalka u dhigay Waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in xildhibaanada Galmudug uu ka dhacay waqtigii shaqada, islamarkaan aysan awood u laheyn inay go’aano soo saaraan. Ugu dambeyn guddoomiye Casir ayaa ku baaqay in la tageero guddiga doorashada oo ay ku dhawaaqday dowladda federaalka , si loo dhiso maamul lo dhan yahay. Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Wareysi-Gudoomiyaha-barlamanka-galmudug-Cali-Gacal-Casir.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites