Sign in to follow this  
Deeq A.

CC SHAKUUR oo ka digay dambiyo dagaal una digay saraakiil isu diyaarinaya in…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxman Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in khatar amni ay ka soo wajahantahay ciidamada lagu daabulayo magaalada Dhuusamareeb, isla markaasna ay beenowday sheegayashii dowladda ee aheyd in ay heshiis la saxiixatay Ahlu-Sunna Waljamaaca.

“Waxaan walaac xoog leh ka muujineynaa ciidanka ay dowladda federaalka ah ku daabulayso magaalada Dhuusamareeb. Saansaan colaadeed oo keeni karta dagaal deegaanka ka dhaca ayaa muuqata, taas oo burinaysa sheegashadii dowladda ee ahayd in ay dib u heshisiin deegaanka ka hirgelisay iyo in ay Ahlusunna heshiis la gaartay” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Cabdiraxmaan waxa uu sheegay in ay ku baaqayaan in khilaafka lagu dhameeyo wadahadal, isla markaana ay dhawaan deegaanka u tagayaan sidii loo xalin lahaa xiisadda, “Waxaan ku baaqeynaa in waanwaan iyo wadahal lagu xalliyo khilaafka, lana mideeyo labada hannaan doorasho. Waan ku baxaynaa deegaanka si colaad loo baajiyo”.

Ugu dambeyntii C/Raxmaan C/Shakuur  ayaa qoraalkiisa digniin ugu diray saraakiisha ciidamada xoogga dalka ee lagu daabulay magaalada Dhuusamareeb, isagoo ugu baaqay in ay ilaaliyaan sharciga u yaalla dalka ogaadana in la isku daba galayo hadii ay gaystaan dambiyo dagaal, isla markaana ay gartaan waajibkooda oo ah la dagaalanka Al-Shabaab.

“Waxaan ugu digaynaa saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee dagaalka lagu gubayo in ay sharciga iyo dastuurka ixtiraamaan, waajibkooda la dagalaanka Al-Shabaab aan laga weecin, bannaankana ka joogaaan loolanka siyaasadeed, ogaadaanna in masuuliyadda danbiga dagaal la isku debagelayo. Waxaan ugu baaqaynaa ganacsatada ku hawlan colaada hurinta in ay arrinkaas ka waantoobaan”.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this