Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo ka warbixiyay arrimaha u qabsoomay xukuumaddiisa

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxweyne-Deni.jpg?w=1000&ssl=1Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed oo khudbad u jeediyay kalfadhiga 45-aad ee Baarlamanka Puntland, ayaa ka warbixiyay wixii qabsoomay xukuumaddiisa mudadii u dhexaysay labada kalfadhi

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku faahfaahiyay arrimaha uga qabsoomay dhinacyada; amniga, dhaqaalaha, taabba-gelinta garsoorka, nidaaminta shaqooyinka wasaaradaha, mushahaar-siinta shaqaalaha dowladda, arrimaha bulshada, tayeynta hay’adaha dowladda, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, maalgeshiga iyo ganacsiga.

Madaxweynaha ayaa markii uu khudbaddiisa dhammaystay, waxaa su’aal weydiiyay xildhibaan ka tirsan Baarlamanka, iyadoo madaxweynuhu su’aashaasi uga jawaabay si kulul, islamarkaana uu deg deg ah uga baxay hoolka Golaha Wakiilada, xilli ay saf ugu jireen xildhibaanno badan oo su’aalo qaba.

Hoos ka daawo khudbadda madaxweynaha oo dhan

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo ka warbixiyay arrimaha u qabsoomay xukuumaddiisa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this