Sign in to follow this  
Deeq A.

Abshir Bukhaari oo baaq culus u diray DF Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka Sare baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Abshir Maxamed Axmed Bukhaari ayaa ka hadlay fatahaada wabiga Shabelle iyo xaaladaha adag ee ka taagan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Abshir Bukhaari ayaa sheegay inuu walaacsan tahay saameynta ka dhalatay fatahadaasi, wuxuuna ugu baaqay dowladda dhexe iyo HirShabelle inay gurmad u sameeyaan dadkaasi.

Halkan hoose ka akhriso:

KA HORTAGGA IYO KA JAWAABIDDA MUSIIBOOYINKA DABIICIGA AH

Waxaan aad uga welwelsanahay xaalada murugada leh ee bani’aadanimo ee fatahaadda webiga Shabeelle uu gaarsiiyey dadka iyo degaanka magalaada Beledweyne.

Waxaan ugu baaqayaa Mas’uuliyiinta Dawlad Goboleedka HirShabeelle, Hay’adaha ku shaqada leh ee Dowladda Federaalka, Hay’adaha Gargaarka iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta in ay gurmad degdeg ah la gaaraan dadka iyo deegaanka magaalada Beledweyne.

Sida ku cad Sharci Lr.17 ee soo baxay 27/06/2016 laguna dhisay Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed, waxaa ku waajib ku ah hay’adda in ay si degdeg ah uga jawaabto musiibooyinka dabiiciga ah marka ay dhacaan iyada oo sii diyaarinaysa qorsheyaal looga hortagayo laguna maaraynayo musiibooyinkaas.

Hay’addu waxa ay hoos tagtaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka sida uu xeeriyay Qod.1aad (6) ee sharciga kor ku xusan. Sidoo kale, hay’addu waxa ay ku shaqaynaysaa siyaasadda ay jaangoyso Xukuumadda Federaalka Soomaaliya si waafaqsan Qod.7aad ee Sharciga hay’ada lagu dhisay.

Qod.99aad (e) iyo (f) ee Dastuurka KMG ah wuxuu ku waajibinayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ADEEGA GUUD ee dadka Soomaaliyeed iyada oo dejineysa qorsheyaal lagu horumarinayo Dalka isla markaasna hirgelineysa shuruucda Dalka oo uu ka mid yahay sharciga kor ku xusan.

Haddaba, aniga oo ka mid ah wakiillada Shacabka Soomaaliyeed, waxaan isweydiinayaa sababta ay laanta fulinta ee Dawlada Federaalka iyo Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed aysan labaduba ilaa iyo hada u qaadin tallaabo ka hortag ah iyo mid looga dabatageyo xaalada murugsan ee ka dhalatay fatahaadda Webiga Shabeelle?

Marka la eego sida ay Xukuumadda Federaalka ula falgasho arrimaha ka dhaca Dawlad Goboleedyada, waxaan shaki ku jirin in Xukuumaddu ay mudnaan weyn siiso arrimaha siyaasadda oo keliya kuwaas oo ah waajibaad ay la gaar yihiin dastuurada dawlad goboleedyada si waafaqsan Qod.120aad ee Dastuurka KMG ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this