Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal ka tirsanaa Puntland oo lagu dilay Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya dil xalay sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada Puntland loogu geystay waqooyiga M/ Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray, Maxamed Faarax ayaa ahaa taliye ku xigeenka ciidanka ilaalada waddooyinka gobolka Mudug ee maamulka Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in rag ku hubeysnaa bistoolado ay toogteen marxuumka, kadibn ay si aayar ah goobta isaga baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo gaaray goobta uu dilku ka dhacay ayaa Meydka ka qaaday halkaasi.

M ajiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha hay’adaha amniga oo ku aadan dilka sarkaalkaasi.

Dhowaan ayey aheyd markii sarkaal ka tirsanaa wasaaradda Maaliyadda Puntland lagu dilay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this