Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulamo xal raadin oo ka socda magaalada Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay kulamo kala duwan ay ka dhaceen gudaha magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.

Kulamada oo ahaa kuwa xal raadin ah ayaa waxaa garwadeen ka ahaa odayaasha dhaqanka ee maamulkaasi.

Intooda badan kulamadan ayaa waxaa diirada lagu saaraym sidii xal looga gaari lahaa xiisada siyaasadeed ee ka taagan Dhuusamareeb, taas oo ka dhalatay guddiga farsamada Galmudug.

Odayaasha dhaqanka ayaa la kulmay labada dhinac, si xal kama dambeys ah looga gaaro khilaafkaasu, loona dhiso Galmudug oo la dhan yahay.

Xaaladda Galmudg oo dhowaan galeysa doorashada ayaa cakiran, waxaana sii xoogeysanayaa khilaafka dowladda iyo ururka Ahlu Sunna Waljamaaca.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this