Sign in to follow this  
Deeq A.

Khayre oo la kumay safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan soo dhoweyn ah la qaatay Danjiraha cusub ee Dowladda Talyaaniga u jooga Soomaaliya, Alberto Vecchi.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha iyo safiirka cusub ee Talyaaniga ayaa looga hadlay xoojinta xariirka qotada dheer, ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa safiirka uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee Talyaanigu ku bixiyo horumarka dalka oo ay qayb ka tahay qorshaha deynta looga cafinayo dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa 16-kii bishaan October warqadaha safiirnimo ka guddoomay danjire Alberto Vecchi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this