Deeq A. Posted October 26, 2019 Wararka naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in saaka markale dowladda Soomaaliya ay ciidamo ka dajisay garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi. Ciidamadan oo tiro ahaan gaaraya illaa 60 askari ayaa la sheegay inay ka mid yihiin kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadani lagu xoojinayo kuwa dowladda ee horay ugu sugnaa deegaanada maamulka Galmudug. Ammaanka Dhuusamareeb waxaa inta badan la wareegay ciidamada dowladda oo dhaq dhaqaaqyo ka wada halkaasi. Arrintan ayaa sidoo kale waxa ay ku soo aadeysaa, iyadoo haatan uu taagan yahay khilaaf xoogan oo u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo ururka Ahlu Sunna Waljamaaca. View the full article Share this post Link to post Share on other sites