Deeq A. Posted October 26, 2019 Waxaa hadda xarunta Baarlamaanka Puntland ka furmay kalfadhigii 45-aad ee Golaha Wakiilada Puntland. Xafladda furitaanka kalfadhiga 45-aad ee Baarlamaanka Puntland waxaa ka qeyb galay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni, gudoonka Baarlamaanka, xildhibaano, wasiiro, issimo, culumo, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale. Khudbado kala duwan ayaa laga jeedin doona xaflada futitaanka kalfadhiga 45-aad ee Baarlamaanka Puntland oo hadda bilaamatay. Kalfadhigan waxaa horyaalla dhowr ajande oo ay ka mid yihiin ansaxinta Guddiga doorashooyinka ku meel gaarka ah iyo ansaxinta miisaaniyadda Puntland. faahfaahinta dib kala soco PUNTLAND POST The post Kalfadhigii 45-aad ee Baarlamaanka Puntland oo furmay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites