Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo si dhiig-kar ah uga jawaabay su’aal la weydiiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabudllaahi Deni ayaa si aad u kulul uga jawaabay su’aal uu weydiiyay xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Puntland oo lagu magacaabo Cawil Xassan Daad.

Xildhibaanka ayaa madaxweyne Deni weydiiyay su’aal ahayd bal in uu is casilayo maadaama sida xildhibaanku sheegay ay gebi ahaanba fashilantay xukuumadda uu hoggaamiyo.

Balse madaxweynaha oo xildhibaanka uga jawaabay su’aashaasi ayaa si caro badan uga falceliyay waxaana uu sheegay in xukuumaddiisu ay guul waaweyn ka gaartay arrimihii ay ballan-qaadday balse maamulkii isaga ka horreeyay oo Cawil Daad uu agaasime ku xigeen madaxtooyo ka ahaa ay  arrimo badan ku fashilmeen.

Hoos ka daawo su’aasha iyo jawaabta

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo si dhiig-kar ah uga jawaabay su’aal la weydiiyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this