Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Banaanbax looga soo horjeedo Jidadka xiran oo ka socdo magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Banaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen darawallada gaadiidka dadweynaha ee BL-ka ayaa ka socda magaalada Muqdisho.

Dibadbaxa oo ah mid cabasho ah ayaa waxaa dhigaya boqolaal ka mid ah darawallada gaadiidka dadweynaha ee ka shaqeeya waddooyinka Caasimada.

Dadka dibadbaxaya oo ah kuwa careysan ayaa xirtay Jidad muhiim ah, sida isgoyska Zoobe iyo waddada Buula Xuubey degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Dhaq dhaqaaqa waddooyinkaasi ayaa hakad ku jira, waxaana dibadbaxayaashu diideen xataa in gawaarida ciidamada ay maraan halkaasi.

Qaar ka mid ah darawallada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Canshuuro joogta laga qaado, hadane aysan heysan waddo ay maraan.

Gaadiidleyda ayaa sidoo kale dowladda ka dalbaday inay u furto waddooyinka, haddii kale ay sii wadi doonaan banaanbaxyada ay uga soo horjeedaan jidadka xiran.

Inta badan waddooyinka Muqdisho ayaa xiran muddo dhowr bilood oo xiriir ah, taas oo culeys ku keentay shacabka ku nool gudaha Caasimada.

Mas’uuliyiinta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya , gaar ahaan guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Mudane Cumar Filish ayaa marar badan shaaciyey in la furayo jidadka xiran, balse ma jirto illaa iyo hadda wax ka dhaqan galay go’aankaasi.

Banaanbax.jpg jid3.jpg jid1.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this