Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: DENI oo caro darteed uga baxay hoolka baarlamaanka Puntland, kadib su’aal la weydiiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online ) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa maanta khudbad xasaasi ah ka jeediyey furitaanka kalfadhiga 45-aad ee Golaha Wakiilada maamulkaasi oo maanta si rasmi ah u furmay.

Deni ayaa khudbadiisa uga hadlay arrimo dhowr ah, gaar ahaan wixii u qabsoomay muddada sagaalka bilood oo ay jirto xukuumaddiisa.

Intaasi kadib guddoonka Golaha Wakiilada ayaa xildhibaanad u ogolaaday inay su’aallo weydiiyaan Madaxwweynaha, kuwaas oo la xariira xaaladda Puntland.

Xildhibaan Cawil Daad oo ka mid ah Mudanayaasha baarlamaanka ayaa weydiiyey Madaxweynaha su’aal la xariirtay “dib u dhac iyo fashil” uu sheegay inuu ku yimid howlah xukuumadda oo amniga uu ku jiro.

Su’aashan oo abuurtay xasarad ayaa waxaa sidoo kale xildhibaanku sheegay in xukuumadda ay u egtahay inay ku jirto maalmihii ugu dambeeyay ee muddo xileedka, isagoona xusay inay haboontay in ay baneeyaan xafiiska, si loo badbaadiyo Putland.

Deni oo ka carooday su’aashaasi ayaa si adag ugu jawaabay Xildhibaan Daad oo uu sheegay inuu ka mid ahaa maamulkii hore ee guul dareystay, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale uu sheegay in xildhibaan Cawil looga fadhiyo cadeymo muujinaya arrinta uu ka hadlay.

” Xildhibaan Cawil waxaa looga fadhiyaa cadeynteeda inuu keeno Masaajidka layga soo qunuuday.” ayuu yiri Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland.

Ugu dambeyn Madaxweyne Siciid Deni oo caro badan ay ka muuqatay wejigiis aya isaga baxay guud ahaan hoolka baarlamaanka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this