Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliye ku-xigeenkii ciidanka ilaalada waddooyinka ee Puntland oo xalay la dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Koox hubaysan ayaa xalay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ku dishay Taliye ku-xigeenkii ciidamada ilaalada wadooyinka ee Puntland.

Maxamed Faarax oo ahaa taliye ku xigeenkii ciidamada ilaalada wadooyinka ee Puntland ayaa lagu dilay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Saraakiil ka tirsan maamulka Puntland ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay dilka loo geystay taliyaha.

Koox bistoolado ku hubaysan ayaa dishay taliye Maxamed Faarax, waxaana u suura gashay in dilka kasib ay goobta is kaga baxsadaan.

Ciidamada isku dhafka ah ee xasilinta magaalada Gaalkacyo iyo Booliska gaarka ah ee Puntland ayaa baaritaano ka dhan ah ragii dilka geystay ka wada waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa mudooyinkii dambe dilal ka geysanayay kooxo aan heybtooda la garanayn, kuwaas oo lagu beegsanayay taliyaasha ciidamada iyo mas’uuliyiinta sar sare, iyadoo inta badan mas’uuliyadda dilalkaas ay dusha u riteen dagaalayaasha Al-Shabaab.

Caasimada Online
Xaafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this