Deeq A. Posted October 25, 2019 Magaalada Xamar waxaa lagu tilmaami karaa inay tahay xabsiga ugu weyn adduunka waayoo waxaa ku xayiran dad tiradoodu ka badan tahay 3,500,000 (seddax malyan iyo bar) oo laga qaaday wax alla wixii xurriyad ay lahaayeen kaddib markii magaalada la kala xiray oo jidadki la mari lahaa la waayay. Dadka ku nool magaalada oo seddax u dhig laba dhig tahay danyar fuqara ah oo halgan aan kala go’o lahayn ugu jira si ay u helaan nolol maalmeedkooda oo aad cariiri ugu jira. JIDADKA MALA FURI DOONAA? Sida ay arrimuhu u socdaan ma muuqato ifafaalo lagu furaayo jidadka xaniban…waxaa la yiraa lo’oda goi rabta dibi kaliyey dhashaa..waxayna dadka ka faallooda arrimaha Somaliya qabaan inay ka daran soo socoto kaddib markii la soo rogay XUKUN DEG-DEG AH (EMERGENCY) lagu dhawaaqay lana mamnuucay inaan shirar iyo kulamo lagu qaban Karin horteela iyo meelaha la isugu yimaado. Aaween siyaasiyiintii? Siyaasiyiijnti laga sugaayay inay tallaabadaan dowladdu qaaday ka hadlaan waxay ku mashquuleen arrimo KHUSEEYA HAL GOBOL oo ay u arkeen qashaqashaad ay dowladda ku xumeyn karaan iyagana loo diiday waxay xaq u lahaayeen lagana xaaraantimeeyay inay kulmo iyo shirar ay qabtaan..maxay sugaayaan oo u dhiman? Goormaa xukun deg-deg ah dal lagu soo rogi karaa? Sidey Farmaajo iyo Kheyre ku sharciyey karaan tallaabo noocaas ah? Aaway baarlamaanki? WASIIR MAAREEYE Dad badan ayaa aaminsan in Wasiir Maareeye uu yahay DAMIIN (oo ah qofka waxbarashadu ku adag tahay) aan waxba ka kororsan waayihi uu soo maray, wuxuuna weli ku sugan yahay dugsiga ilinkiisa asagoon kala aqoon meesha uu joogo ma Wasaradi Warfaafintaa mase waa meel kale!!! Waryaa saxaafad iyo howsheeda ka hadli kara…bal halla weydiiyo Wasiir Maareeye inuu qeexo saxaafad waxa ay u taagan tahay. Waxaan gaarnay heer warbaahinti loo diido inay ka qayb gasho shirarka Golaha Shacabka ama ay hesho fasax ay uga soo tebin karto wixi ay ku arkaan meesha. Waa maxay waxa ay dowladu qarineyso oo ka horjooga warbaahinta xurta ah inay war ka soo tebiso barlamaanka. Madaxweyne Trump waa masu’uulka ugu neceb Warbaahinta mar kastana u gefa laakin awood uma laha inuu ka mamnuuco Aqalka Cad waayoo xurriyada saxsaafada ayaa ka weyn shucuurta iyo neceybka ay qabaan dadka isqarihaaya oo aan rabin in ceebahooda dadka la gaarsiiyo. Trump wuxuu la macaamilaa hal TV oo ah Fox News, inta kalena waa cadawgiisa, siiba CNN..laakin melena kama xayiri karyo mana u diidi karo inay war ka soo tebiyaan. Haddaba, waxaan u sheegeynaa dowladda ay hogaanka u hayaan Farmaajo iyo Kheyre in aysan awood u lahayn inay xayirto ama ka joojiso warbaahinta madaxa-bannaan tebinta wararaka la xariira fadhiyada Barlamaanka, Golaha Wasiirada iyo weliba Villa Somaliya ku dar meel kasta ee dalka ka mida. Tani waa arrin ka weyn rabitaanka Madaxda Dowladda waayo waa xaq dustuuri ah aysan cidina inkiri karin. W/Q: Axmad Calasow AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid Share this post Link to post Share on other sites