Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey duqeyn ka dhacday deegaan ka tirsan gobolka Bari

Recommended Posts

Deeq A.   

Camaara (Caasimadda Online) – Diyaarado dagaal oo aan la ogayn dalka laga leeyahay ayaa Weerar Cirka ah ku qaadey saldhigyo Al-Shabaab iyo Daacish ay ku leeyihiin degaano hoos yimaado degmada Iskushuban ee gobolka Bari.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in duqeynta lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Daacish.

Duqeynta ayaa ka dhacday nawaaxiga tuulada Cameyra  oo ay ku sugan yihiin Daacishta ku sugan degaanada maamulka Puntland.

Qaar ka mid ah dadka ku nool deegaanka ay weeraradan ka dhaceen ayaa sheegay in diyaarado ay gantaalo ku duqeeyeen saldhig ay leeyihiin ururka Daacishta Soomaaliya.

Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka iyo kuwa Kenya ayaa inta badan ka fuliya weerarada cirka ah oo inta badan lala beegsado goobaha ay ka taliyaan  Al-Shabaab iyo Daacish ee Soomaaliya.

ma jiro wax war ah oo ku saabsan qasaaraha ka dhashay duqeyntan iyo cidda sida rasmiga ah u fulisay.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusomareeb
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this