Deeq A. Posted October 25, 2019 Dhuusamareeb (SMN) – Cutubyo kamid ah ciidamada Gorgor ee dowladda federaalka ayaa laga dejiyay Dhuusamareeb, caasimada Galmudug. Diyaarad gaar ah oo ciidanka ka qaadey magaaladda Muqdisho ayaa ka dejisay xarunta gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Xoogagan oo tiradoodu lagu sheegay 60 ayaa ah ilaaladda gaarka ah ee ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo halkaas ku wajahan. Khayre ayaa lagu waramayaa in uu dardargelin doono dedaaladda dhismaha maamul loo dhan yahay iyo doorashooyinka. Dhinaca kale, ciidanka dowladda ayaa qaybo kamid ah magaaladda kawada dhaqdhaqaaqyo ciidan oo lagu amniga lagu sugayo. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/AW.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites