Deeq A. Posted October 25, 2019 Muqdisho (SMN) – Xarakada Al-Shabaab ayaa shaacisay in ay qarax nooca miinada ah la eegatay cutubyo kamid ah ciidanka Burundi ee ka tirsan AMISOM. Weerarka oo khasaaraha ka dhashay aan la ogeyn ayaa ka dhacay degaanka Buurane ee ku dhow degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Hoose. Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku aadan falkan oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka Taliska Ciidanka Nabad-ilaalinta Midowga Afrika. Inta badan Al-Shabaab ayaa ciidamada shisheeye ee dalka ku sugan iyo kuwa dowladda Soomaaliya waxay la eegataa qaraxyo noocaan ah. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/BR.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites