Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab: “Waxaan qarax la eeganay ciidanka Burundi”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Xarakada Al-Shabaab ayaa shaacisay in ay qarax nooca miinada ah la eegatay cutubyo kamid ah ciidanka Burundi ee ka tirsan AMISOM.

Weerarka oo khasaaraha ka dhashay aan la ogeyn ayaa ka dhacay degaanka Buurane ee ku dhow degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku aadan falkan oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka Taliska Ciidanka Nabad-ilaalinta Midowga Afrika.

Inta badan Al-Shabaab ayaa ciidamada shisheeye ee dalka ku sugan iyo kuwa dowladda Soomaaliya waxay la eegataa qaraxyo noocaan ah.

Hoos ka dhageyso warka oo cod ah

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/BR.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this