Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska Booliska oo ka hadlay shaqaaqadii Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (SMN) – Taliska Booliska magaaladda Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa ka hadlay shaqaaqadii ka dhacday halkaas.

Cabdullaahi Xasan Macalin, taliyaha bileyska xarunta gobolka Galgaduud, ayaa sheegay in la dhameeyay xiisadii ka dhalatay dhacdadaas.

Xiisadda ayaa ka dhalatay markii ay ciidamo ka tirsan dowladda rasaas ku fureen guri uu ku sugnaa Madaxa Xukuumadda Galmudug.

Mr Xasan ayaa beeniyay in ciidamo ka amar-qaata Ahlu Sunna ay la wareegeen xarunta dowladda hoose ee magaaladda Dhuusamareeb.

Ugu dambeyntii, taliyaha ayaa sheegay in xaaladda magaaladda ay tahay mid degan, isla markaana aysan wax kacsanaan ah oo hadda jirta.

Hoos ka dhageyso warka oo cod ah

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Bartamaha-Soomaaliya.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this