Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo magacaabay mas’uuliyiin cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland ayaa magacaabay Agaasime Waaxeedyo ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland kuwaasi oo kala ah : Warfaafinta, Xiriirka Dadweynaha, Mashaariicda iyo Xiriirka Hay’adaha Madaxa Banaan ee Madaxtooyada Dowladda Puntland:

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.75 oo ku taariikheysan 28ka Oktoober 2019 ku magacaabay Agaasime Waaxeedyo ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Khibradooda shaqo

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Jaamac Yuusuf Jaamac (Dabaraani) loo magacaabay Afhayeenka ahna Agaasimaha Waaxda Warfaafinta Madaxtooyadda Dowladda Puntland.

2. Waxaa Liibaan Jaamac Maxamed loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Xiriirka Dadweynaha ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.

3. Waxaa Abshir Cali Qood loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Mashaariicda Madaxtooyada Dowladda Puntland.

4. Waxaa Cabdiraxmaan Cali Seed loo magacaabay Agaasimaha Xiriirka Hay’adaha Madaxa Banaan ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo magacaabay mas’uuliyiin cusub appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this