Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey xiisadda Dhuusomareeb iyo Ahlu-Sunna oo qabsatay xarunta…

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Xaalad kacsanaan ah ayaa waxaa caawa laga dareemaya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug, wixii ka dambeeyay markii rasaas lagu furay Xero Inji, oo ka mid ah meelaha uu magaalada ka degan yahay Madaxa Xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Ciidamada Dowladda ayaa la sheegay inay weerarka gaysteen, xilli uu halkaasi ku sugnaa Sheekh Maxamed Cali Xasan, isla-markaana uu ka badbaaday.

Madaxda Ahlu Sunna iyo kuwo Galmudug ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa aad uga carooday tallaabada lagu rasaaseeyay Xero Inji.

Xoogaga Ahlu Sunna ayaa waxaa caawa si weyn loogu arkayaa wadooyinka Magaalada Dhuusamareeb, iyagoona u diyaarsan in ay ka hortaggaan weerar kale oo lagu soo qaado Xero Inji.

Goor sii horreysay, xoogaga Ahlu Sunna ayaa si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta Xarunta Degmada Dhuusamareeb, xilli lagu waday in Ciidamada Dowladda ay si rasmi ah ula wareegaan amniga Xarunta Degmada.

Ciidamada Ahlu Sunna oo aad u fara-badan ayaa waxaa lagu arkayaa gudaha iyo dibadda ee Xarunta Degmada Dhuusamareeb, waxayna kaga hormareen Ciidamada Dowladda ee ku sugan magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Ahlu Sunna ay ku amrayn inay isaga baxaan ciidan yar oo ka tirsan kuwa Galmudug oo horey u qaabilsanaa ilaalinta amniga ee Xarunta Degmada Dhuusamareeb.

Sidoo kale Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ku sugan Xarunta Shiirkoole ayaa waxaa laga dheehan karaa in ay feejignaan badan muujinayan, waxayna xirteen wadooyinka soo gala xaruntaasi. Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu arkayaa wadooyinka ku gadaaman xarunta.

Maxamed Xaashi Jimcaale oo ka mid ah dhalinyarada ku dhaqan Magaalada Dhuusamareeb ayaa yiri “Xaaladda Magaalada Dhuusamareeb caawa aad ayay u kacsan tahay, goobaha ganacsiga waala xiray, meelihii ay dadka isugu imaan jireen iyana way haawanayaan. Runta markaan ku sheego magaalada waxaa laga dareemayaa saan saan dagaal.”

Maxamed Xaashi ayaa yiri “Ciidamada Ahlu Sunna ayaa aad loogu arkayaa magaalada. Xerada Inji ayaa waxaa goor dhow soo saaray ciidan fara-badan oo ka tirsan Ciidamada Jugta Culus loo yaqaano. Waa ciidamadii la dagaalamay Al Shabaab, kana xoreeyay qaybo badan oo Gobolka Galgaduud ka tirsan.”

Waxa uu intaa ku daray “Waxaan maqalnay in gurmad uu Ahlu Sunna uga soo socdo Magaalada Guriceel, saacadaha soo socdo ayaana la fillayaa inay soo gaaraan magaalada. Xaaladda Dhuusamareeb waa sidaasi caawa.”

Nabadoon Cabdi Guure oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee reer Galmudug ayaa sheegay in caawa la argagax geliyay dadweynaha ku nool Magaalada Dhuusamareeb, isla-markaana ay ka xun yihiin in la qalqal-geliyo amnigii magaalada.

“Shacabka ku dhaqan Magaalada Dhuusamareeb iyo waxgaradkuba aad bay uga xun yihiin falkaan ay ku kaceen Ciidamada Dowladda, hadana meesha kama marna doorkii dhaqanka, waxaana socdo waan waan lagu doonayo in xaaladda lagu qaboojiyo. Odayaasha Dhaqanka way la xiriireen labada dhinacba, amniga in la wada ilaaliyo ayaana muhiim ah.” Ayuu yiri Nabadoon Cabdi Guure.

Nabadoon Guure ayaa yiri “Shacabka Dhuusamareeb oo amni u bartay ayaa caawa wajahaya xaalad cabsi ah, hal qof oo shacab ah kuma arkeysid wadooyinka, dadka guryuhuu ku wada xarooday.”

Wararka ayaa sheegaya in Madaxda Ahlu Sunna ay dalbanayaan in gacanta lagu soo dhigo kuwii ka dambeeyay rasaasta lagu weeraray Xero Inji, oo ah midda ugu weyn ee ay leeyihiin Ciidamada Ahlu Sunna.

Masuuliyiinta Dowladda Somaliya iyo Madaxda Ahlu Sunna ayaan si rasmi ah uga hadlin xaaladda cakiran ee caawa ku soo korortay Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusomareeb
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this