Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga QM: DF waxay doorashadii Koonfur Galbeed ku bixisay $30,000 xildhibaankiiba

Recommended Posts

Deeq A.   

New York (Caasimada Online) – Warbixinta guddiga khubarada kooxda dabagalka QM ee Soomaaliya (UN Monitoring Group) ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday in dowladda Soomaaliya ay musuq-maasuqday doorashadii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Warbixinta guddiga oo loo gudbiyey Golaha Ammaanka, balse ay si gaar ah u heshay Caasimada Online, ayaa sheegtay in xukuumadda Soomaaliya ay laaluushtay xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, si ay u doortaan musharaxii ay wadatay [Cabdicasiis Lafta-gareen].

“Xubnaha baarlamanka ayaa helay lacag u dhaxeysay 20 illaa 30 kun oo dollar midkiiba, si ay ugu codeeyaan musharaxa dowladda ay dooneysay” ayey tiri warbixinta.

82 ka mid ah xildhibaanada Koonfur Galbeed ayay warbixinta sheegtay in bishii November 2018 la geeyey magaalada Muqdisho, oo midkiiba la siiyey 5,000 oo dollar oo hormaris ah, ayada oo loo ballan-qaaday lacag 20 ilaa 30 kun ah marka ay doortaan musharaxa dowladda ee Lafta-gareen.

Guddiga khubarada ayaa sheegay in sidoo kale la hayo caddeymo muujinaya in sarkaal maaliyadeed oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, uu lacag boqolaal kun oo dollar ah ku wareejiyey wasiir ka tirsanaa Koonfur Galbeed, si xildhibaannada loogu qeybiyo.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in 15 qof oo shacab ah lagu dilay magaalada Baydhaba, kadib markii dowladda federaalka ay xirtay musharax Mukhtaar Roobow, taasi oo dhalisay rabasho.

Dilalkaasi ayay warbixinta sheegtay inay fuliyeen ciidamada dowladda federaalka ah iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey loogu eedeeyey inay awood ku maquunineyso maamul goboleedyada dalka si ay madax ugu dhigto shaqsiyaad ayada ku xiran, taasi oo horseedday burburka dhowr maamul, iyo khilaafyo wiiqay awooddii mideysneyd ee lagula dagaalami lahaa Al-Shabaab.

SW1.png

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this