Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Cayaartii Fiinaalka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo sababo amni u baaqatay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya inay baaqatay cayaartii Fiinaalka Degmooyinka Gobolka Banaadir ee dhexmari laheyd Degmooyinka Dharkeynley iyo Waaberi.

Cayaarta oo caawa ka dhaci laheyd Garoonka Eng. Yariisow ee Degmada Cabdicasiis lana filayey inuu kasoo qeybgalo Ra,isulwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa baaqatay kadib markii ay tagtay korontada Garoonka taasoo keentay inuu Garoonka noqdo mid mugdi ah muddo ku dhow Hal Saac.

Korontada markay dib usoo noqotay ayaa lagu dhawaaqay inay cayaarta baaqatay maadaama uu Ra,isilwasaare Kheyre ka cudur daartay inuu imaado sababo Amni.

Sida saraakiil ka tirsan laamaha amniga u xaqiijiyeen Caasimadda Online, waxaa laga baqay in korontada tagitaankeeda ay ku dhex jiri karto farsamo la doonayo in garoonka laga sameeyo falal amni darro oo ay fuliso Al-Shabaab.

Telefishinada ayaa lagu amray inay isaga tagaan garoonka, waxaana cod baahiyaasha laga sheegay inay cayaarta baaqatay inkastoo aan la sheegin sababta.

Kulankaan ayaa maalin dhaweyd loo baajiyey Ra,isulwasaare Kheyre dartiis oo safar ugu baxay Mareykanka isagoo amray inuu isaga soo xiri doono tartanka.

Lama sheegin waqtiga la cayaari doono, waana markii labaad oo ay baaqato.

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this