Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Somalia oo Kenya u gacan geliyey laba qof oo ay aad u raadineysay

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Booliiska Soomaaliya ayaa laba qof oo la rumeysan yahay inay xubno ka yihiin Al-Shabaab u gacan geliyey mas’uuliyiinta dalka Kenya, waxaa sidaas qoray wargeyska Daily Nation.

Labada qof oo la rumeysan yahay inay Soomaaliya u baxsadeen kadib markii ay dambiyo ka geysteen Kenya, ayaa lasoo gacan geliyey shalay, sida uu sheegay taliyaha booliska Kenya ee Waqooyi Bari, Paul Soi.

Warbixinta booliska Kenya ayaa lagu sheegay in labada qof lasoo gacan geliyey qiyaastii 11-kii subaxnimo ee arbacadii, kadibna loo qaaday magaalada Gaarisa, si halkaas su’aalo loogu weydiiyo.

Taliya Paul Soi ayaa sidoo kale sheegay in labada qof la helay ayaga oo wata hub, kuwaas oo lagala wareegay. Ma uusan shaacin magacyada labada qof

“Weli waxaa socda baaritaano, dib ayaana warbaahinta kala hadli doonnaa” ayuu yiri.

Booliska Kenya ma aysan shaacin halka Soomaaliya ka tirsan ee labadan qof laga soo qabtay iyo habka loogu soo wareejiyey.

Dowladda iyo booliska Soomaaliya weli kama aysan hadlin dhacdadan.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this