Deeq A. Posted October 24, 2019 Muqdisho (SMN) – Shirkadda DP World ee Imaaraadka ayaa qiratay in xiisadda kala dhaxeysa Jabuuti uu dhaawac dhaqaale u geystay. Guddoomiyaha DP World, ayaa sheegay in shirkadda ay dhib kala kulmeysay inay lacag ka amaahato bankiyada tan iyo markii dowladda Jabuuti ay la wada wareegtay dekedda Doraleh oo ay shirko ku ahaayeen. Jabuuti ayaa marsadda DP World, oo wax ka maal-gashatay, bishii Febraayo ee 2018, sababo la xiriira muran soo socday ilaa 2012. DP World ayaa sharci darro ku tilmaamtay la-wareegistaas. Maxkamadda London ayaa bishii August 2018 xukmisay in qandaraaska DP World uu yahay mid sax ah oo aysan Jabuuti ka bixi karin, balse Jabuuti way diiday. View the full article Share this post Link to post Share on other sites