Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska Ciidanka Badda oo beeniyay warar la baahiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Admiral Guuto Cabaas Aamiin Cali, Taliyaha C iidamadda Badda iyo Ilaalada Xeebaha, ayaa wuxuu beeniyay warar ay baahisay saxaafadda qaar.

Wararkaas ayaa ku saabsanaa in Dooni ka baxday Muqdisho ay ku degtay xeebaha Cadale, balse waxaa beeniyay taliska Ciidamadda Xoogga Soomaaliyeed.

Cali ayaa xusay in doonta ay haleeshay cilad farsamo, isla markaana lasoo badbaadiyey ciidamadii la socday kuwaas oo haatan badqaba.

Waa markii ugu horeysay oo taliska ciidamadda badda uu ka hadlo dooni la sheegay in ay ku degtay ama lagu weeraray xeebaha waddanka.

Hoos ka akhriso warka oo cod ah

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Qalad.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this