Deeq A. Posted October 24, 2019 Dhuusamareeb (SMN) – Kulamo iska soo horjeeda ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay ka dhaceen magaaladda Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug. Shirarka ayaa waxaa la sheegayaa in ay yihiin kuwa lagu kala taageerayo Guddiyadda Doorashooyinka oo ay magacaabeen dowlada iyo Ahlu Sunna. Dhanka kale, waxaa isla magaaladda ka socda shirar kale oo looga arrin-sanayo ammaanka iyo sidii shacabka door uga qaadan lahaayeen nabadda. Dhuusamareeb ayaa isku diyaarineysa in ay martigeliso dhismaha Galmudug loo dhan yahay, kaasoo xukuumadda federaalka ay waddo. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Khilaaf.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites