Deeq A. Posted October 24, 2019 Jowhar (SMN) – Ciidanka Booliska Hirshabeelle oo Xalay howl-gallo lagu xaqiijinayo ammaanka ka sameeyay Magaalada Jowhar ayaa Gacanta kusoo dhigay Dad looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab. Howl-galladan oo Saacado badan ka socday Xaafahada kala duwan ee Magaalada ayaa u socday si habsami leh oo ay feejignaani ku dheehan tahay, iyagoo kaashanaya Shacabka halkaasi ku dhaqan. Booliska Magaalada Jowhar ayaa kordhiyay howl-galladooda ka dhanka ah Al-Shabaab, iyagoo marar kala duwan ay Ciidanka ammaanku soo qabteen xubno ka tirsan nabad-diidka oo ku howlanaa falal lid ku ah amniga. View the full article Share this post Link to post Share on other sites