Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo shaacisay magacyada toban nin oo halis ku ah ammaanka dalkeeda.

Recommended Posts

Deeq A.   
terrorism.jpg?w=1000&ssl=1

Booliiska dalka Kenya ayaa soo saaray liiska toban nin oo qeyb ka ah kooxda argigixisada ah ee Alshabab islamarkaana dilalka ka geystay magaalada Mumbasa.

Sida lagasoo xigtay Howlgallada amniga ee socda, waaxda booliisku waxay raadineynayaan dhowr dambiilayaal kale oo bartilmaameedsanayay xubno ka tirsan shaqaalaha amniga dadweynaha.

Sida boolisku sheegay dadkaan la raadinayo ayaa looga shakisan yahay inay ka soo laabteen kooxda mintidiinta Al-Shabaab ee Soomaaliya.

“Waxaan haynaa tilmaamo muujinaya in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, isla markaana loo diray gobolka xeebta si ay u weeraraan xarumaha dowladda,” ayaa lagu yiri warbixinnada ka soo baxay booliiska la-dagaallanka argagixisada.

Oktoobar 1-deedii, ciidanka Kenya ayaa waxay weerareen guri ku yaal Mombasa waxayna qabteen laba tuhmane oo lagu kala magacaabo Bakari Chibonja iyo Athuman Nyae, waxayna dileen seddex kale, oo kala ah, Swaleh Yusuf Abdalla, Salama Salim Mohamed, iyo Mkubwa Sadi Ramadan.

Labo kamid ah kuwa la qabtay ayaa la rumeysan yahay inay soo direen Al-Shabaab si ay u qorsheeyaan weerar argagixiso oo lala damacsanaa xuska maalinta Halyeeyada Qaranka ( Mashujaa), oo ku beegnayd Oktoobar 20.

Halkan hoose waxaa ah liisaska 10 tuhmanayaal argagixiso oo ay booliisku soo bandhigeen;

Ali Shando alias Mzalamu
Zamdini alias Sheli Sheli alias Mwarabu
Mohamed Mwinyi Mwachidigo
Suleiman Bakari Mwasura
Adam Hamisi Jabalenni
Mohamed Bakari Mwachidiwa
Hamdi George
Adisi Mwanenda
Bakari Hassan Setu
Ali Tengeza

PUNTLAND POST

The post Kenya oo shaacisay magacyada toban nin oo halis ku ah ammaanka dalkeeda. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this