Deeq A. Posted October 24, 2019 Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay kulan la qaatay Madaxweynaha Ruushka Valadamir Putin, shirkaan is aragga ayaa ahaa soo dhowaynta Madaxweynaha Ruushka Putin u sameynayay madaxda Afrika ka socota, ka qayb galaya shirka Madasha Iskaashiga ee Afrika iyo Ruushka ee ka socda magaalada Sochi ee Jamhuuriyadda Rashia Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale xalay ka qeyb galay Casho sharaf uu ku maamuusay Madaxweynaha Ruushka dhammaan Madaxda ka qayb gashay shirka Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika. Ruushka ayaa ku dhawaaqay inuu ka cafiyay qaaradda Afrika deyntii uu ku lahaa, tan oo jid cusub u fureysa xiriir qoto dheer oo iskaashi uu Ruushka la yeesho Qaaradda dihin ee Afrika. View the full article Share this post Link to post Share on other sites