Sign in to follow this  
Deeq A.

3 Saldhig oo Shabaab ay ku sugnaayeen oo duqeyn lala beegsaday iyo khasaaro ka dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   

Jamaame (Caasimadda Online) – Diyaarado dagaal ayaa waxaa ay duqeymo ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobalada Jubbooyinka iyo shabeeladda hooose.

Duqaynta  ayaa si gaar ah waxaa  loola  bartilmaameedsaday saldhigyo Alshabaab ay ku lahaayeen degmooyinka Jamaame, Bu’aale iyo Jameeca.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in duqeymaha ka dhacay degmooyinka Jamaame iyo Bu’aale lagu dilay dagaalamayaal iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in duqeynta ka dhacday Bu’aale uu dhaawac ka soo gaaray sarkaal magaciisa lagu sheegay  Xuseen Kabdhe.

Ma jiraan faahfaahin intaasi ka dheer oo laga heliyo duqeyntii ka dhacday degmooyinka Jamaame iyo Bu’aale oo ka tirsan Jubbooyinka.

Dhanka kale wararka laga helayo deegaanka Jameeca oo ka tirsan gobolka Shabeellada hoose  ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqeymo la beegsadeen xarun ay ku sugnaayeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, inkastoo aan weli la xaqiijinin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntaasi.

Diyaaradaha dagaal mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ay ka fulinayaan deegaanada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin gobolada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this