Sign in to follow this  
Deeq A.

kulamo iska soo horjeeda oo ka dhacay Dhuusamareeb iyo Sh. Shaakir oo go,aan culus qaatay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Waxaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug kulamo iska soo hojeeda xalay ku yeeshay Xubnaha Guddiga doorashada Galmudug oo ay Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo Xubnaha Guddiga uu Magacaabey Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Madaxa Xukumadda Galmudug Dr Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa magaalada Dhuusamareeb kula kulmay Gudiga Doorshada iyo Xalinta khilaafaadka Galmudug ee uu dhawaan Magacaabay.

Sheekh Shaakir oo Khudbad u jeediyay Guddiga ayaa ka codsaday in ay dardargaliyaan howlaha loo xilsaaray  ee ku aadan doorashada maamulka Galmudug , islamarkaana laga doonaayo in ay soo xulaan baarlamaanka Galmudug.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay inay ku dadaali doonaan in Glmudug loo dhiso maamul ay dadkeeda u dhan yihiin, isla markaana laga Aas’aaso Magaalada Dhuusamareeb, waxaana uu ugu baaqay inay dowladda Soomaaliya garab istaagto.

Dhinaca kale waxaa xalay kulan isugu yimid Xubnaha Guddiga doorashada Galmudug oo ay Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo qaar kamid ah bulshada Dhuusamareeb, waxaana kulanka uu ahaa mid Guddiga lagu taageerayay.

Cabduqaadir Nuur Caraale oo kamid ah Xubnaha Guddiga Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in guddigooda uu si cadaalad ah ugu Shaqeyn doono Bulshada Galmudug,isla markaana xildhibaannada ay kusoo xuli doonaan qofkii buuxiya Shuruudaha.

Dowladda Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlusuna ayaa xilligaan waxaa ka dhexeeya khilaaf xoogaan, kaasi oo ka dhashay guddiga farsamada ee dhismaha maamulka galmudug, maadaama dowladda ay gudi magacowday, halka madaxda xukuumadda Galmudug Shiikh Shaakir uu maalin ka hor uu ku dhawaaqay guddigga doorashada maamulka Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this