Deeq A. Posted October 24, 2019 Dhuusamareeb (SMN) – Muran siyaasadeed ayaa ka dhashay Guddiga Doorashooyinka Galmudug ee ay magacaabatay Ahlu Sunna. Hogaanka dowlad goboleedkaas ayaa wuxuu qaadacay Guddiga, oo uu ku sifeeyay mid baalmarsan sharciga iyo Dastuurka. Magacaabida Ahlu Sunna ayaa timid iyadda oo xukuumadda federaalka ay magacowday Guddi ka shaqeynaya howlaga maamul dhisitaanka maamulkaas. Maxamed Xaashi Carabey, madaxweyne ku xigeenka Galmudug, ayaa Shabelle u sheegay in talaabada Ahlu Sunna qayb ka tahay qaladaadka jira Galmudug. Carabey oo sii hadlaya ayaa wuxuu cod dheer ku sheegay in loo baahan yahay in xalinta arrintaan loo wajaho qaabka uu qabo Dastuurka iyo habraaca xukuumada. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Carabey.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites