Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka Ruushka iyo Afrika oo maalintii labaad galay

Recommended Posts

Deeq A.   

Sochi (SMN) – Shirka Dhaqaalaha ee u dhaxeeya Ruushka iyo qaaradda Afrika ee ka socda magaaladda Sochi ayaa wuxuu maalintii labaad galay.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay furitaanka Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika oo shalay si rasmi ah loo daahfuray.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo Madaxweyne Sharafeedka Afrika Abdulfataax Asiisi oo si wadajir ah u furay Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika ayaa tilmaamay muhiimadda Shirkani u leeyahay dalalka Afrika iyaga oo xusay dhinacyada, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, kor u qaadista iskaashiga ganacsiga, socdaalka iyo dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha.

Madaxweyne Farmaajo oo ka mid ah 43 hoggaamiye oo Goobjoog ka ah Shirka iyo Wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin Ruushka waxa uu kulamo gaar ah la yeelan doonaa qaar ka mid ah Madaxda iyo maalgashadeyaasha ka qeyb galaya Madasha iyagoo u bandhigi doona fursadaha ka jira dalkeena.

Madashan oo ah tii ugu horreysay oo Ruushku soo qaban qaabiyo waxaa ka qeyb galaya seddax kun oo Ergo oo ka kala socota dalalka Afrika iyo Ruushka. waxay socon doonta 23-ka ilaa 24-ka Bishan iyada oo la filayo in qodobo miro-dhal ah kasoo baxaan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this