Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo ka Qeyb galay Furitaanka shirka Iskaashiga Ruushka iyo Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay furitaanka Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika oo maanta ka furantay Magaalada Sochi ee dalka Ruushka.

Madaxweyne Farmaajo oo ka mid ah 43 hoggaamiye oo Goobjoog ka ah Shirka iyo Wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin Ruushka waxa uu kulamo gaar ah la yeelan doonaa qaar ka mid ah Madaxda iyo maalgashadeyaasha ka qeyb galaya Madasha iyagoo u bandhigi doona fursadaha ka jira dalkeena.

Madashan oo ah tii ugu horreysay oo Ruushku soo qaban qaabiyo waxaa ka qeyb galaya seddax kun oo Ergo oo ka kala socota dalalka Afrika iyo Ruushka. waxay socon doonta 23-ka ilaa 24-ka Bishan iyada oo la filayo in qodobo miro-dhal ah kasoo baxaan.

13-4.jpg?w=1000&ssl=1 14-3.jpg?w=1000&ssl=1 15-3.jpg?w=1000&ssl=1 as.jpg?w=1000&ssl=1

The post Madaxweyne Farmaajo oo ka Qeyb galay Furitaanka shirka Iskaashiga Ruushka iyo Afrika appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this