Deeq A. Posted October 23, 2019 Muqdisho (SMN) – Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ayaa Maanta yeeshay kulankoodii 3aad ee Kalfadhiga 6aad. Kusimaha Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Ibraahim Sheikh Muudey oo uu Hareer fadhiyay Guddoomiye kuxigaanka 2aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa Maanta Shir-gudoomiyay Kulanka Guud ee Golaha Shacabka. Ugu horeyntii Guddoomiyaha ayaa Xildhibaanada ka Codsaday in ay Ansixiyaan Ajandaha kulanka. Intaas kadib waxaa la guda galay Ajandaha Kulanka oo kal koobnaa dhowr qodob oo kala ah Akhrinta 1aad Axdiga ilalinta Hanti- Dhaqameedka Xiliyadda Colaada iyo Akhrinta 1aaad ee ka mid noqoshada Hay’ada Damaanad qaadka Maalgashiga Darafyada badan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites