Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo go’aamisay in la toogto raggii dilay Caa’isho yar

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda sare ee Puntland ayaa maanta go’aamisay in la dhaqan galiyo xukunkii toogashada ahaa ee lagu riday raggii kufsaday, kadibnna dilay Caa’isho Ilyaas Aadan.

Xeer ilaaliye ku xigeenka Puntland, Maxamed Xareed Faarax oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo toogan doono raggaasi.

Sidoo kale wuxuu aabaha dhalay Caa’isha Ilyaas Aadan uu ku wareejiyey go’aankii ugu dambeeyey ee ka soo baxay maxkamadda.

Halkan hoose ka ka dhageyso Codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/COD-1-SOOFA.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this