Deeq A. Posted October 23, 2019 War ka soo baxay howlgalka Atlanta ee ururka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamadooda Badda ay soo badbaadiyeen askarka tirsan kuwa dowladda oo doon ay kula qalibantay xeebaha fog degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Atlanta ayaa sheegtay in dhammaan la soo badbaadiyey ciidamadii saarnaa doontaasi oo gaarayey 7 askari, kadib gurmad ay u fidiyeen. Sidoo kale Midowga Yurub oo baahiyey Sawirrada askartaasi ayaa tilmaamay in xilli ay halis ku jirtay nolosha askartaasi ay caawiyeen, kuna guuleysteen howlgalkaasi. Dhowaan ayey aheyd markii ciidamo ka tirsan guutada 14-ka October ay doon kula degtay xeebaha magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article Share this post Link to post Share on other sites