Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Farsamada Galmudug oo gaaray Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga farsamada ee maamul u sameynta Galmudug ayaa maanta gaaray gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Guddigan oo ka kooban 13 xubnood oo ay dhowaan magacowday dowladda dhexe ayaa ka shaqeyn doono arrimaha doorashada ee maamulka Galmudug.

Diyaarad qaas ah oo guddigan ka qaaday Muqdisho ayaa ka dajisay garoonka Dhuusamareeb, halkaas oo lagu soo dhoweeyey.

Wararka ayaa sheegaya in xubnaha guddiga ay howlahooda shaqo iyo kulamo ay ka bilaaban doonaan halkaasi.

Ahlu Sunna ayaa horay uga hortimid dhismaha guddan, iyadoona shalay Sheekh Shkaakir uu ku dhawaaqay gudi kale oo ka kooban 11 xubnood.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

3-56 1-72 2-73

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this